Si ka duwan dilkii ay xulafada Sacduudiga u geysteen Soomaalidii qaxootiga aheyd ee Xudeyda, Sacuudiga iyo xulafadiisa waxaa ay qirteen in ay Sanca ku dileen 14 rayid ah.
War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in arrinkan uu ka dhashay farsamo xumo dhankooda ah iyaga oo intaa raaciyay in ujeedka uu ahaa in ay burburiyaan xiriirada Xuutiyiinta oo ku yaalay koonfurta magaalada.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 6 qoys ayey xulafada Sacuudiga dhib u gesyteen marka ay duqeytaasi dhacday.




From the comments