13 Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Afghanistan

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay kuwo kalana waxyeello ayaa soo gaartay baabuur miineysan oo ku qarxay gobolka Heliminda ee koofurta Afghanistaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin halkaasi ku sugan.
Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday baabuur ciidan oo ku sugnaa goob lagu magacaabo “Nawaa”, taasi oo todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka dhaceen iska horumaadyo.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Afghansitan ayaa waxaa uu sheegay in dadka dhintay ay iskugu jiraan ciidamo iyo dad rayid ah.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka magaalada Lashakraah oo ah caasimadda gobolka Helimda.
Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa, bil ka dib markii ciidamada ammaanka Afghanistan ay sheegeen in ay soo ceshadeen gobolka “Nawaa” oo ay horay u maamulayeen kooxada Daalibaan.