Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa maanta oo Talaado ah gaaray madaxweynihii Hirshabelle ee dhowaan xilka ay ka qaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi.
Cosoble, waxaa safarkiisan ku wehlinaya xubno kamid ah maamulka Hirshabelle, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka B/weyne.
Waxaa loo galbiyey Cosoble oo sheegaya inuu yahay madaxweynaha Hirshabelle, xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo waxgaradka gobolkaasi.




From the comments