Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah waxay kulan ku yeelan doonaan xarunta New York,kaasi oo looga arrinsanayo dalabka xukuumadaha Tokyo iyo Washington ka dib markii hogaamiyaha kuuriyada waqooyi uu gantaal ku riday hawada Japan sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.
Kulankaani ayaa imaanaya ka dib markii ra’iisulwasaaraha Japan Shinzō Abe iyo madaxweynaha Mareykanka ay ku heshiiyeen in kor loo qaado cadaadiska lagu hayo kuuriyada waqooyi.
Ra’iisulwasaaraha Japan oo madaxweynaha Mareykanka ku dhawaad afartan daqiiqo kula hadlay qadka telefoonka ayaa waxaa uu yiri “Waxaa nagu waajiba inaan si deg deg ah aan u qabanayo fadhi degdeg ah oo aan la yeelaneyno qaramada midoobay si loo kordhiyo cadaadisyada Kuuriyada waqooyi”.




From the comments