Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir weyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaana shirkani soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa xiritaanka shirka uga dhawaaqay 1-da bisha agoosto in loo asteeyey maalinta qaxootiga Soomaaliyeed. Isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada Soomaaliyeed maadaama ay in badan oo kamid ah ay ka hayaameen dalkooda mudadii colaaddu ay jirtay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in laga fekero xal u helidda mushkiladaha jira oo sababay in dadka Soomaaliyeed ay maciin bidaan dalalka adduunka, wuxuna xusay in Xukuumaddu ay xoogga saari doonto sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga maarmi karaan qaxootinimada.




From the comments