Abuukaate Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaynuunka muwaadinimo ay ka reeban tahay in qof Soomaali ah loo dhiibo dal kale.
Sharci yaqaan Bashiir Nuur Xirsi oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay umadda Soomaaliyeed ay musiibo uga dhigan tahay in muwaadin u dagaallamaya Soomaali Galbeed loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.
Waxa uu sheegay in aynaan horay u dhicin oo taariikhduna aysan ku qorneyn madax dalka soo martay oo qof Soomaaliyeed u dhiiba Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments