Goobjoog

Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday In AMISOM 500 Laga Dhimmo Dhammaadka Sanadka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa isku raacay markii ugu horeysay in Ciimada AMISOM laga jaro 500 oo askari dhammaadka sanadka, taasi oo ka hor imaaneysaa dalabkii AMISOM ee ahaa…

Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday In AMISOM 500 Laga Dhimmo Dhammaadka Sanadka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa isku raacay markii ugu horeysay in Ciimada AMISOM laga jaro 500 oo askari dhammaadka sanadka, taasi oo ka hor imaaneysaa dalabkii AMISOM ee ahaa in loo baahan yahay 4000 oo dheeraad ah.

Golaha ammaanka waxaa uu sidoo kale ogolaadeen in 1000 askari Soomaaliya laga saaro ka hor October 2018, arrintan oo qeyb ka ah qaabka AMISOM dalka looga saarayo.

Golaha ammaanka waxaa uu arbacadii isku raacay in la howlgeliyo Booliis tiro ahaan gaaraya 1,040  iyo 5 unug.

Qaraarka ayaa sidoo kale la ansixiyay in AMISOM ay dalka sii joogto illaa  May 31, 2018.

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments