Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Muqdisho lagu aasay meydadka dadkii dhowaan ay ciidanka dowladda iyo kuwo ajaaniib ah ku dileen deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.
Mid kamid ah ehlda dadkii la diley ayaa u sheegay Goobjoog News, in dolwadda Federaalka ay bixisay 100 kun oo doolarka Maraykanka ah, taasi oo lagu sheegay iney tahay duugta 10-kaasi qof.
Sidoo kale dowladda ayaa la sheegay iney bixin doonto magdhowga 10-kaasi qof, waxaana ruux walbo ay magdhow ahaan uga bixin doontaa 70-kun oo doolarka Maraykanka ah.




From the comments