Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sanadkaan celiyey ku dhawaad 400kun oo qof oo xujey ah kuwaas oo aan wadanin ogolaasha xajka si ay ugutaan acmaasha xajka.
Sanad walba waxaa guta acmaasha xajka in ka badan hal-malyan oo xujey ah kuwaas oo ka kala yimaado daafaha caalamka.
Sanadkaan ayaa sidoo kale waxaa loo ogolaaday xajka xujeyda u dhalatay dalka Iran kuwaas oo sandkii hore diiday in ay xajiyaan iyaga oo ajiibayey hadal uga yimid dowladdooda,kaasi oo ahaa khilaaf soo kala dhexgalay Irn iyo Sacuudiga ka dib isbuurashadii ka dhacday xajka sanadkii 2015 kii dhacdadaas oo ay ku dhinteen 2300 oo qof.




From the comments