Goobjoog

Trump Oo Ku Baaqay In La Xaliyo Dhibaatada Khaliijka Iyada Oo Loomarayo Heshiiskii Shirmadaxeedkii Riyaadh

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo qadka teleefonka kula hadlayey boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdul Caziiz, ayaa ku booriyey in la xaliyo dhibaatada Qatar iyada oo waafaqsan heshiiskii shirmadaxeedkii Riyaadh. War-murtiyeed…

Trump Oo Ku Baaqay In La Xaliyo Dhibaatada Khaliijka Iyada Oo Loomarayo Heshiiskii Shirmadaxeedkii Riyaadh
Republican presidential candidate, businessman Donald Trump stands during the Fox Business Network Republican presidential debate at the North Charleston Coliseum, Thursday, Jan. 14, 2016, in North Charleston, S.C. (AP Photo/Chuck Burton)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo qadka teleefonka kula hadlayey boqorka Sacuudiga Salmaan Binu Cabdul Caziiz, ayaa ku booriyey in la xaliyo dhibaatada Qatar iyada oo waafaqsan heshiiskii shirmadaxeedkii Riyaadh.

War-murtiyeed ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Trump iyo boqorka ay kawada doodeen  muhiimadda ay leedahay in lajabiyo argigixisada iyo in lajoojiyo maalgalintooda,sidoo kale labada mas’uul ayaa waxay gorfeeyeen caga jugleynta ay Iran ku heyso gobolka.

Dhankiisa boqorka Sacuudiga ayaa uga tacsiyeeyay Trump waxyeellada ay geysatay dabeysha Harvi taasi oo ku dhufatay gobolka Texas.

Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa bishii June waxay xiriirka u jareen dowladda Qatar iyaga oo ku eedeeyay inay taageerto argigixisada iyo inay qalqal galineyso amniga gobolka Carbeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments