Qoysas badan oo kasoo barakacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, soona gaaray deegaanka Siinka dheer ayaa xilligaan waxay u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.
Faadumo Macallin Isaaq oo ah guddoomiyaha kaamka ku yaalla deegaanka Siindheer ee dadkaan soo gaareen ayaa sheegtay in ay gaarayaan 78 qoys oo dhammaantood aan waxbo haysan.
Waxa ay tilmaantay in dadka aysan haysan hoy, raashiin iyo sidoo kale Biyo, iyada oo tilmaantay in maalin iyo habeen ay ku sugan yihiin meel barxad ah.




From the comments