Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in duqeyn ka dhacay deegaanka Kuunyabarow oo qiyaastii 185-km jirta degmadaasi lagu diley sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha dhanka ammaanka degmada Baraawe oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sarkaalka la diley uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka soo xero gelinta dhallinyarada.
Waxa uu tilmaamay in gantaal lagu dhuftay halkii uu fadhiyey, isaga oo tilmaamay in goobta uu ka baxsaday sarkaal kale.




From the comments