Goobjoog

Diyaar Garowga Doorashada Hirshabelle Oo Meel Gabogabo Ah Mareysa

Guddiga doorashada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan u diyaar garowga doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf, guddoomiyaha guddigan ayaa warbaahinta u sheegay in…

Diyaar Garowga Doorashada Hirshabelle Oo Meel Gabogabo Ah Mareysa

Guddiga doorashada maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayaan u diyaar garowga doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Xildhibaan Maxamuud Xuseen Yuusuf, guddoomiyaha guddigan ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ay wadaan  howlihii ugu dambeeyay ee doorashada.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in 12-ka bishan oo ah waqtiga loo ballamay iney doorashada dhacdo aanay jiri doonin wax isbedal ah oo yimaada.

“Doorashada meel wanaagsan ayeey mareysaa u diyaar garowgeeda, Insha Allah, waxaan rajeeneynaa in aysan dib uga dhicin waqtigii loo baahnaa, waxaana sidoo kale aan  rajeyneynaa in doorashada ay noqota mid 12-ka bishan dhacda” ayuu yiri guddoomiyaha.

Jowhar waxaa maalmihii ugu dambeeyay ku qulqulayey siyaasiyiin badan, iyadoo amniga magaaladaasina aad loo adkeeyay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments