Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi uu ka furmo shirka nabadda iyo xasiloonida gobolka Mudug.
Shirkaan waxaa ka qeybgalaya madaxweyne ku xigeennada Puntland iyo Galmudug, waxaana la filayaa in xal waara laga gaaro arrimaha Mudug.
Madaxda Puntland iyo Galmudug waxaa sidoo kale shirkan ku wehlinaya waxgaradka magaalada Gaalkacyo, iyadoo ulajeedka shirkan yahay sidii loo heli lahaa reer Mudug oo gacmaha is qabsada, kana gudba colaadda iyo wixii la mid ah.




From the comments