Ururka ONLF ayaa go’aamadii xukuumadda shalay ay shaacisay ku sheegay kuwa kasoo maaxday maskax Itoobiya ee aan ahayn mid dowladda ka yimid.
Afhayeenka ururkaasi Cabdulqaadir Sheekh Xasan Hirmooge ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Dowlad Soomaaliyeed ay ku sheegto Argagixiso.
Waxa uu soo hadal qaaday in xukuumadda Soomaaliya rajadii shacabku ay ka qabeen ay dhimatay oo madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay mas’uuliyaddaasi iska leeyihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments