Ilaa sedex katirsan Al- Shabaab ayaa lagu dilay Weerar ay geysatay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay oo ka dhacay meel ka mid ah gobolka sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Mareykanka.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo War ka soosaaray dhacdadaasi ayaa sheegay in weerarkaasi oo qorsheysnaa uu dhacay aroornimadii talaadada ahayd.
Afhayeen u hadlay AFRICOM, Anthony Falvo, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Mareykanak ee( AP) in meesha la duqeeyey aysan ka ag dhaweyn dad rayid ah.




From the comments