Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay ka doodaan go’aankii golaha wasiirada ay ka qaateen C/kariin Qalbi Dhagax oo xukuumaddu ku tilmaantay inuu yahay argagixiso.
Todobaadkii hore Golaha wasiirada ayaa si cad u shegay in Qalbi Dhagax uu taageerayey Al-shabaab, sidoo kalena falal amni daro ka waday gudaha dalka.
Kulanka ay maanta yeelan doonan Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa laga sugi doonana natiijada kasoo baxda, iyadoo dad badan ay u dhaga tagayaan waxa ay ka dhahaan xildhibaannada go’aankii xukuumadda.




From the comments