Goobjoog

Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Gaari Uu Lahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Dharkeenley

Koox hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen gaari la sheegay inuu lahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Dharkeenley. Dableyda weerarka fulisay ayaa saarnaa gaari NOHA…

Khasaare Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Gaari Uu Lahaa Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Dharkeenley

Koox hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar ku qaadeen gaari la sheegay inuu lahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Dharkeenley.

Dableyda weerarka fulisay ayaa saarnaa gaari NOHA ah, waxaana gaariga ay ku weerareen nawaaxiga Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeenley.

Gaariga ma aanu saarneyn guddoomiye ku xigeenka, hase ahaatee waxaa halkaasi ku dhintey darawalkii wadey, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta weerarkaan uu ka dhacay, iyadoo halkaasi ay ka baxsadeen raggii wax weeraray.

Maamulka degmada Dharkenley weli kama aanay hadal weerarkaan dhacay, hase ahaatee ciidanka howlgallo ayeey wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments