Hay’adda UNESCO ee u qaabilsan qaramada midoobay dhaqanka barbaarinta iyo waxbarashada ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka sokeeye ee ka socda Koofurta Suudaan uu ku qasbay ku dhawaad 1.8 milyan oo caruur ah in ay noqdaan waxbarasho la’aan kuwaas oo goobaha waxbarashada ka ah dibad joog.
Hay’adda ayaa waxa intaasi ku dartay in heerka aqoon la’aanta Koofurta Suudaan ay gaartay boqolkiiba %73,inkastoo oo ay jiraan dadaallo ay ku bixiyeen dowladda iyo hay’adaha caalamiga in dalkaasi lagu fidiyo waxbarashada hadana in badan oo ka mid ah dadaaladaas laguma guuleysan.
Cumar Calaami oo u dhashay dalka Qatar kana tirsan hay’adda UNESCO ayaa waxaa uu sheegay isaga oo ka hadlayey munaasabadda maalinta dabar-goynta jahliga ayaa tilmaamay inay jiraan qorshe iyo barnaamijyo ay wado hay’adda iyada oo kaashaneysa mas’uuliyiinta dowladda si waxbarashada looga dhigo muhiimadda koowaad.




From the comments