Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Muwaadinkaan la diley ayaa magaciisa lagu soo koobay C/qani, waxaana la sheegayaa inuu ahaa darawal Taksi oo ka shaqeysan jirey halkaasi.
C/qani ayaa ka shaqeyn jirey magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria, hase ahaatee koox burcad ah ayaa la sheegay iney toogteen isaga oo si caadi ah shaqadiisa u watey.




From the comments