Dagaalkan oo u dhexeeya ciidamada Darwiishta Jubbaland iyo Alshabaab ayaa ka dhacay waaberigii saaka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Xarakada Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku soo qaadeen saldhig ay ay ku sugnaayeen ciidamadaasi oo Ku yaalo afaafka Hore ee Magaalada laga soo galo, iyagoo ku bilaabay weerarka qarax ,sida ay SONNA u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ciidamada Darwiishta Jubbaland ayaa dagaal kala hortagay, weerarka soo qaaday, lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashey dagaalkaasi.




From the comments