Ajendaha Aqalka sare kulankaooda maanta, waxaa uu go’aan ka gaari-doonaa sax iyo qalad tillaabadii ay Xukuumadda Kheyre ay ku dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax.
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in arrinka Qalbi-dhagax ay tahay ajendaha ugu horreeya ee golaha, lagana doodi-doono qaabka ay u dhacday gacan-gelintii Qalbi-dhagax.
Warar ku dhaw kulanka guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ayaa Goobjoog News u sheegay in Xildhibaannada isku ballansadeen kulanka maanta in aan laga baaqan, isla markaana aan loo baahneen in loo yeero wax xukuumadda federaalka ah ee Xildhibaannada keliya ay ka doodi-doonaan.




From the comments