Taliska Booliiska Hiiraan ayaa sheegay iney wadaa nbaaritaan ku saabsan qaraxii ismiidaaminta ahaa, kaasi oo shalay ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Taliyaha qeybta Booliiska Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in laamaha ammaanka aanay ka fariisan baaritaanka weerarkaasi iyo qaabkii uu u dhacay intaba.
Waxa uu tilmaamay taliyaha in markii ay helaan warbixinno kasoo baxa baaritaankooda ay saxaafadda la wadaagi doonaan.




From the comments