Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray gobolka Shabellaha Dhexe.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa jidka u galay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidanka dowladda, kaasi oo ka baxay degmada Balcad, kuna wajahnaa magaalada Jowhar.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo Labo kalena nolo iyo dhimasho lagu la yahay, sidey xaqiijiyeen saraakiisha dowladda ee Sh/dhexe.




From the comments