Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku baaqay in dhibaatada ka dhex taagan dowladda Qatar iyo dowladaha carbeed lagu xaliyo wadahadal toos ah.
Sergey Lavrov oo shir jaraa’id la qaadanayey dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Jubeir ayaa cadeeyay inuu taageeri doono dadaallada ay wadaan Kuwait iyo Mareykanka kuwaas oo la doonayo in lagu xaliyo dhibaatada Qatar,waxaa uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in ay midoobaan dowladaha golaha iskaashiga Khaliijka.
Wasiirka arrimahada dibadda Ruushka ayaa hoosta waxaa uu ka xariiqay in golaha iskaashiga Khaliijka ay yihiin aalad muhiim ah kuwaasi oo xal u ah arrimo badan,waajibna ay tahay in la ilaaliyo.




From the comments