Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen Labo nin oo ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib lagu guuleystay in raggaasi ay dhanka dowladda soo galaan.
Ma aanu sheegin magacyada raggan ka goostay Al-shabaab iyo sidoo kale xilalka ay hayeen, balse wuxuu tilmaamay in hadda ay ku sugan yihiin degmada Qansaxdheere.




From the comments