Goobjoog

Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Doodaya Arrinta Qalbi-dhagax

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulankii caadiga ahaa, waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax. Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay mid hareysay ajendayaasha labada aqal…

Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Doodaya Arrinta Qalbi-dhagax

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta xaruntooda ku yeelanaya kulankii caadiga ahaa, waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan arrinta Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Arrinta Qalbi-dhagax ayaa noqotay mid hareysay ajendayaasha labada aqal maalmuhii ugu dambeysay, waxaan la filaa in maanta la guda-galo kadib markii uu Sabtidii baaqday.

Aqalka sare ayaa Isniintii go’aamiyay in ay dib-u-dhigaan ka doodista arrinta Qalbi-dhagax, kana war sugaan go’aanka iyo waxa ka soo baxa golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka arrinkan ku saabsan, Kala Soco, Goobjoog News

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments