Waxaa Maanta magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle lagu soo gabagabeeyay khudbadaha murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada maamulka.
Sida ay sheegayaan weriyeyaasha Goobjoog News ee xarunta ku sugan waxaa maanta hadlay illaa 5 murashax, kuwaas oo kala ah: Cabdi raxmaan Xasan Caddow, Yuusuf Axmed Hagar, Cabdinaasir Maxamed Shirwac, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diirow .
Waxaa iyaga shalay khudbad jeediyay : Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdikarim Cali Nuur.




From the comments