Baarlamaanka gobolka Kurdistan ayaa waxaa uu u codeeyey in cod loo qaado madaxbanaanida gobolka, taasi oo caqabad ku ah xukuumadda dhexe ee Ciraaq iyo dowlado kale oo ay ka mid tahay Mareykanka.
Baarlamaanka Ciraaq ayaa isku raacay kulan ay yeesheen in gobolka aan cod loo qaadin taasi oo dhici laheyd 25 bishaan.
War-murtiyeed ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ka dib waxyar codeyntii ayaa waxaa uu ka codsaday xukuumadda gobolka Kurdistaan inay meesha ka saaraan afti qaadida ayna wadahadal la galaan Bagdaad.




From the comments