Goor dhow waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaatay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo ay u tartamayaan 8 musharrax.
Xildhibaannada Hirshabelle ayaa toos u gudagalay doorashada, waxaana halka ay doorashada ka dhaceyso goob joog ka ah xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xildhibaannada dooran doonaan shaqsiga ay u arkaan inuu isbedal u keenayo Hirshabelle.




From the comments