Wararka aanu ka heleyno agagaarka Haanta-dheer ama Kabka ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu muddo saacado ah ka socdo dagaal u dhaxeeya sida la sheegayo ciidamo ka wada tirsan dowladda.
Ciidamada Xasilinta ayaa weerar ku qaaday goobo ay deganaayeen maleeshiyaad hubeysan oo horay u sheegay in ay ka tirsan yihiin Militariga Soomaaliya balse aan hoos-tagin Xasilinta.
Ciidamada dambe oo horay warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in loo dan-leeyahay in hubkooda lala wareego, arrintaasi oo ka madax adeegeen, Goobjoog News ma xaqiijin karto run iyo been sheegashadooda.




From the comments