Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay saakay aroortii weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Kalabeyr oo ku dhow magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxay dagaalyahannadan si gaar ah u weerareen Koontarool la sheegay in ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.
Dadka deegaanka qaar oo aan la hadalnay waxay sheegayaan in deegaanka Kalabeyr ay la wareegeen Al-shabaab, iyadoo dagaalkii dhacayna khasaare uu ka dhashay, walow aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaarahan.




From the comments