Rag hubeysan ayaa rasaas ku furey gaari uu la socdey taliyahii Nabad sugidda degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho xilli uu marayey degmada Dharkeenley.
Wararka waxay sheegayaan in dhaawac halis ah oo soo gaaray Taliyaha uu ugu dambeyn u dhintey, waxaana sidoo kale rasaastaasi ku geeriyoodey qof kale oo halkaasi ka dhowaa.
Taliyaha la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Qooley, iyadoo raggii weerarkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.




From the comments