Natiijooyin aan rasmi aheyn ayaa waxay daaha ka rogeyn in ay ku guuleysatay Kaltuuma Nawaaz oo ah xaaska ra’iisulwasaarihii hore ee Bakistaan Nawaaz Shariif kursiga baarlamaanka ee gobolka Lahore.
Kaltuuma ayaa u tartantay kursiga xaaskeeda, kaasi oo xilka laga qaaday bishii Julay ay tagtay markii lagu eedeeyay in uu galay Musuq.
Warbixinno gudaha ah ayaa waxay sheegayaan in Kaltuuma ay ku guuleysatay codad dhan 61254,halka qofka la tartamayey uu helay 14188 cod.




From the comments