Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada, kaasi oo ka dhacay gudaha dalka iyo Itoobiya iyo gobolka Soomaali Galbeed.
Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa cambaareysay dagaalkaasi, waxaana ay ku tilmaantay inuu ahaa mid aad u xun oo lagu xasuuqay shacab aan waxbo galabsan.
Safaaradda ayaa sidoo kale ku sheegtay qoraal ay soo saartay in dowladda Itoobiya ka dalbanayaan iney baaritaan degdeg ah ku sameyso 55 qof oo ku dhintey dagaalladaasi.




From the comments