Shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maaanta ka furmaya magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxaana madaxda ka qeybgalaya kamid ah Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa shirkaasi wuxuu ka jeedin doonaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa, walibana uu kaga hadli doono xaaladda dalka, iyo sidoo kale wixii qabsoomay mudadii yareyd ee ay shaqeyneysa dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu Ra’iisul wasaare Kheyre sidoo kale halkaasi kusoo bandhigi doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee Soomaaliya hadda uga baahan tahay beesha caalamka.




From the comments