Maalintii Labaad waxaa magaalada Buuhoodle kasoo degtay diyaarad Khaad u sidda deegaannada Soomaali Galbeed, kadib markii uu cirka isku shareeray dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo Orormada.
Khaatkaan ayaa laga keenay dalka Kenya, waxaana maalmahanba deegaannada Somaliland iyo Soomaali galbeedba laga joojiyey khaatkii ka imaanayey Itoobiya gaar ahaan dhulka Oromada.
Sababta ugu weyn ayaa ah kadib markii Oromada ay laayeen shacab Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo khaatka ka ganacsanayey, waxaana suuqii Khaatka Itoobiya loo wareejiyey dhanka Kenya.





From the comments