Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada maamulka Jubbaland.
Howlgalkaan ayaa daba socda dagaal shalay gabal dhacii ku dhexmaray degmadaasi ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab.
Dadka deegaanka Qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeeyn in ciidamada ay ku baxeen deegaannada ku dhow degmada B/xaawo, kadib markii ay soo bateen dagaallada Al-shabaab kusoo qaadayaan degmadaasi.




From the comments