Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kenya ay ka baxeen guud ahaan degmadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidankaan ay aadeen dhanka dalkooda Kenya.
Waxa uu guddoomiye ku xigeenka tilmaamay in hadda amniga degmada Baardheere ay gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, islamarkaana ka bixitaanka ciidanka Kenya ee degmadaasi aanay saameyn ku yeelan doonin.




From the comments