Magaalada Baladweyne waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka ku kala wareegeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo kii hore Cumar Aadan.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta maamulka ee Baladweyne waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta xilalka ku kala wareegayay, saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti iyo waxgarad magaalada.
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shaqadii ugu horreysay ee uu ka qabtay gobolka Hiiraan ayaa guddoomiyaha gobolkaasi u magacaabay Cali Jayte Cismaan isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii xilka hayay ee Cumar Aadan.




From the comments