Goobjoog

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada B/weyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay. Maamulka gobolka Hiiraan,…

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada B/weyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Maamulka gobolka Hiiraan, kan magaalada B/weyne, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab badan ayaa madaxweyne Waare kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee B/weyne.

Inta uu madaxweynaha Hirshabelle ku sugan yahay B/weyne wuxuu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu wadatashi la sameyn doono.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Hirshabelle ku yimaado magaalada B/weyne tan iyo intii xilkaan loo doortay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments