Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa walaac ka muujiyey khilaafka kasoo dhex cusboonaaday hoggaanka maamulka Galmudug, kadib is faham waa ka dhashay go’aan laga gaaray xiisadda Khaliijka.
Qaar kamid ah shacabkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney aad uga xumaadeen khilaafkan, waxaana ay ugu baaqeen baarlamaanka Galmudug in looga baahan yahay xallinta arrintaan.
Suldaan Maxamed Xaashi Xasan “Waxaan u arkayaa khilaafka kasoo cusboonaaday dowlad goboleedka Galmudug mid aan dadka u daneyneyn, mid aan la aqbali karin, shacabkaan colaadda iyo abaartu daashadeen mid uroon inuusan ahayn”




From the comments