Barakacayaal ku sugan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay inuu saameeyay roob Labadii cisho ee lasoo dhaafay ka da’ay magaaladaasi.
Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aysan haysan meel ay ka galaan roobka, islamarkaana aanay arag cid ka caawisa bacaha roobka looga gambado.
“Annaga cooshado ayaan degannahay illaa hadda ma aragno cid noo timid ma wax noo qabatay, roobka hadda isaga oo bilow ah ayuu annaga dhan na saameeyay, ma haysanno baco iyo wax walbo oo difaac ah” sidaasi waxaa tiri mid kamid ah haweenka ku sugan Kaamka Tawakal ee magaalada Jowhar.




From the comments