Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka ayaa ku tilmaamay dagaalka afka ah ee u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka Donald j Trump iyo hogaamiya kuuriyada waqooyi Kim Jong-un muranka ka dhaxeeya oo kale ilmaha ku jira xanaanada.
Xilli sii horeysay ayaa hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi waxaa uu ku tilmaamay Donald Trump inuu yahay nin garaadkiisu dhimanyahay ka dib markii Trump uu ku goodiyey in dalkiisa uu burburin doono.
Trump ayaa waxaa uu ugu jawaabay hadalka Kim Jong-un inuu yahay hogaamiyaha kuuriyada nin waalan oo wajahayo Imtixaan uusan u qalmin.




From the comments