Shir looga hadlayo maalgelinta Soomaaliya oo halku dhigiisa uu ahaa hiigsiga Soomaaliya ee 2021 ayaa lagu daah furay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim u ah dadka Somaaliyeed isla markaana ay ka qeybgaleen dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka wax ku bartay.
Waxaa sidoo kale shirka jooga oo dhanka Soomaaliya ka tagay, Shaafi Raabi Kaahin Xogheyaha rugta ganacasiga Soomaaliyeed, ahna guddoomiyaha rugta gacansiga ee maamul goboleedka Jubbaland.




From the comments