Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha ayaa la kulmaya qeybaha kala duwan ee bulshada Buuloburde, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan degmadaasi.
Mudane Waare ayaa ka ambabaxay magaalada B/weyne oo dhowr cisho uu ku sugnaa, halkaasi oo uu kula kulmay bulshada rayidka iyo xubno kale.




From the comments