Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Dagmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan isaga oo kulamo la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne Waare ayaa maamulka Jalalaqsi, saraakiisha ciidanka dowladd aiyo kuwa AMISOM kala hadlaya sida ugu haboon ee la isugu furi lahaa Deegaanada soo gala Dagmadaasi ee ay go’doomiyeen Al-shabaab.
Dagmadda Jalalaqsi ayaa ciidanka dowladda waxa ay Al-shabaab kala wareegeen sanadkii 2014 , tan iyo xiligaasina waxa go’doonsan deegaanno hoostaga Dagmadaasi.





From the comments