Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed, kana soo jeeda gobolka Mudug ayaa ka hadlay dagaallada xilligaan kasoo cusboonaaday deegaanno kamid ah gobolkaasi una dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Nabadoonka oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan kusoo noqnoqday gobolka Mudug.
Xilligaan ayuu sheegay nabadoonka inaan loo baahneyn dagaallo u dhaxeeya bulshada Mudug, maadaama la filayey in nabad lagu soo dabaalo.




From the comments