Gudoomiyaha Hay’adda cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare ayaa sheegay In Dowladdu aysan wax taageero ah siinin Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed. waxa uu dalbaday in la helo Dad yaqaana Cilmiga badaha si loo badbaadiyo kheyraadka Badaha Soomaaliyeed.
“Waan doodnay, waxaanna isku waafaqnay in cilmiga badaha cid rabtaba aanay jirin. Waayoo shaqo iyo mashaariic badda ka socoto ma jirto, nabadgeliyadeedaa xun, xeebahii oo dhan waa la heystaa. Marka cid cilmiga badaha usoo socoto ma jirto, cid walba waxey aaday meesha ay shaqo ka heleyso. Si’aan dadka u geesinimo gelino (u dhiirrogelino) lacag la’aan ka dhigno (ayaan isku raacnay) welina waan ku wadnaa. Afartaas haddii ay noo taabogasho Soomaaliya wax dambe oo ay bad ugu baahantahay ma jirto. Sidaa awgeed maanta waxaan rabnaa gundhiggii labada kulyadood oo main-ka in aad nala dhigtaan oo aad noo furtaan ayaan jecelnahay” ayuu yiri Admiraal Faarax Qare.
Gudoomiyaha Hay’adda cilmi baarista Badaha Soomaaliyeed Admiraal Faarax Qare ayaa hadalkaasi ka jeediyay munaasabad ka dhacday Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Badaha Soomaaliyeed oo lagu daahfurayay kulyado cusub oo la-xiriirta culuumta badda.




From the comments