Cod-bixiyeyaasha gobolka Kurdistan ayaa maanta go’aan ka gaaraya masiirka gobolka iyo in ay gooni uga go’aan dalka Ciraaq, arrintaas waxaa aad uga soo horjeeda dalal caalamka ah iyo kuwoo gobolka ka tirsan.
Mascuud Barazani oo hoggaamiyaha gobolka ah waxaa uu horay u sheegay in gooni isu-taagga ay tahay arrinta keliya ay Akraadda xuquuqdooda iyo nabadba ku heli karaan.
Xukuumadda Ciraaq oo arrintaasi ka jawaabeysa waxaa ay amartay in la xiro xadka, isla markaana dalalka shisheeye joojiyaan shidaalka ay ka qaataan dalkaasi.




From the comments